Meydadka 64 ruux oo Itoobiyaan ah oo laga dhex-helay gaari xamuul ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in gobolka Tete ee dalka Mozambique laga helay meydadka 64 ruux oo la rumeysan yahay in ay yihiin muhaajiriin u dhashay Itoobiya.

Soo galootigaas meydadkooda laga dhex-galay gaari xamuul ah ayaa ka yimid waddanka Malawi, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska dalkaas.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in xabsi loo taxabaay darawalka baabuurka ay la socdeen dadkaas. Eedeysanaha waxaa wehliyey ruux kale oo caawiye u ahaa.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujiyey 14 ruux kale oo ku hareereysan gaariga, kuwaasoo la aaminsan yahay in ay ka badbaadeen dhacdadaan argagaxa badan ku abuurtay dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo xaqiijisay geerida muwaadiniintaas ayaa sheegtay in ay murugada la wadaageyso ehelada iyo asxaabta dadkaas.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa dhaliyey geerida, balse warbaahinta ayaa ku qeexday cimilada oo aad u kululeed iyo gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Kunteernarka ee qalifan.

Laamaha amniga ayaa intaas ku daray in ay baadigoobayaan shaqsiyaad kale oo ay tuhunsan yihiin in ay soo dhoofiyeen dadkaan, iyagoo rajeeyay taageero ay ka heleen dhigooda Malawi.

Mozambique ayaa sanadhii lasoo dhaafay waxay marin weyn u ahayd muhaajiriinta qaar kamid ah wadamada Afrika ee doonaya in ay galaan Koonfur Afrika, si ay halkaas uga helaan shaqooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM