Meydadka muhaajiriin loo maleynayo in ay Soomaali ku jiraan oo la helay

Image
Dalkan ayaa xeebtiisu waxa ay wax ka yar 150 kiiloomitir u jirto jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamada Ilaalada Xeebaha Tunisia ayaa soo saaray meydadka sagaal qof oo isugu jira Qaxooti Afrikaan ah iyo Muhaajiriin, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ku xusan warbixinta, ciidamadda ayaa si lamid ah waxa ay soo badbaadiyeen 29 kale oo la socdey doonta oo ku degtay xeebaha Monastir, xilli ay doonayeen inay gaaraan Xeebaha Talyaaniga.

Farid Ben Jaha, oo ah afhayeenka maxkamadaha Monastir ayaa Arbacadii sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu baadigoobayo dad badan oo ku qaraqmay musiibadan cusub ee ka dhacday xeebaha Tunisia.

Jaha ayaa waxa uusan soo bandhigin dalalka ay kasoo kala jeedaan muhaajiriintan kuwaas oo loo maleynayo in ay ku jiraan qaar u dhashay wadamadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Baaritaano ayaa wadnaa. Natiijada illaa haatan aan hayno waa badbaadada dadkaas, waana midaas waxa aan diiradda saareyno kahor inta aan ku sameyn tirokoob," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dalkan oo xeebtiisu ay wax ka yar 150 kiiloomitir u jirto jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga, ayaa sanadihii lasoo dhaafay ahaa marinka kaliya ee ay adeegsadaan dadka u tahriibaya qaarada Yurub.

Sanadihii la soo dhaafay, kumanaan ayaa ku dhintay ama la waayay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka taasoo kamid ah meelaha ugu khatarta badan ee loo maro safarkan halista badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM