Mid kamida Wasiiradii ugu caansanaa Itoobiya oo xabsiga la dhigay

Image

ADDIS ABABA - Wasiir hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha.

Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa ra’iisul wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi.

Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii saaka, waxaana lala xiray sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa.

Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada.

Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM