Midowga Afrika oo baaq cusub u diray Itoobiya iyo TPLF

Image
Soojeedintan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa in ka badan saddex bilood kaddib heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray colaadda.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wadahadal siyaasadeed oo dhexmara dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Tigreega, sidda ku xusan war-saxaafadeed soo baxay.

Soojeedintan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa in ka badan saddex bilood kaddib heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray colaad dhiig badan ku daatay oo ka dhacday waqooyiga dalkaas.

War murtiyeedkii ayaa ahaa natiijada ka soo baxday shirkii guddiga dabagalka heshiiska nabadda ee Jimcihii ay isugu yimaadeen wakiilo ka socday dowladda Itoobiya, madaxda Tigrayga iyo urur goboleedka IGAD.

Heshiis nabadeed oo ay bishii Nofembar 2022 ay dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka woqooyiga Itoobiya ku saxiixeen magaalada Pretoria ayaa soo afmeeray laba sano oo colaad ah.

Tan iyo markii qalinka lagu duugay heshiiskii Pretoria, dagaalku wuu joogsaday, waxaana dib u bilowday gaarsiinta gargaarka. Talaabadaas waxaa bogaadiyey hay'adaha caalamiga ah.

Duulimaadyada u dhexeeya caasimadda gobolka Tigray, Mekele, iyo Addis Ababa ayaa dib u billowday horraantii Janaayo ka dib 18 bilood oo hakad ah dhanka furimaha dagaalka ah.

Gelitaanka Tigray waa xaddidan yahay, taasoo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo xaaladda dhulka. Hase ahaatee, waxaa lasoo sheegayaa in jawigu nabdoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM