Midowga Afrika oo baaq kasoo saaray rabshadaha Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay xasilooni kadib markii dalka Ethiopia ay ka dhaceen rabshado ka dhashay dilka heesaa caan ahaa.

Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga Hachalu Hundessa oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu yiri “Iyada oo waddanku u barooranayo khasaaraha Hachalu Hundessa, Guddoomiyuhu wuxuu codsanayaa deganaansho, xakamayn dhinac walba ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan Ethiopian-ka inay ka fogaadaan falalka sii kordhin kara xaaladda hadda jirta.

Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqayaa Dowladda Ethiopia “inay keento dambiilayaashan ficillada xun gaystay si ay u wajahaan caddaaladda.”

Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo qaab nabadeed, si loo oggolaado dadaallo ku filan oo looga hortago laguna xakameeyo masiibada COVID-19.

Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta, waxaana maanta lagu aasay magaalada Ambo.

Ku dhowaad 90 ruux ayaa ku dhintay rabshadaha Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadda ay intaas ka badato maadaama xaaladda ay wali tahay mid kacsan aynsa muuqa ifafaalo fiican

GO + VOA

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM