Midowga Afrika oo farageliyey xiisadda Itoobiya iyo Masar ee Nile

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ururka Midowga Afrika ayaa farageliyey xiisada maalmihii lasoo dhaafay xoogeystay ee biyo xireenka webiga Nile taasoo Itoobiya iyo Masar qarka saartay in uu dagaal ka dhex-qarxo.

Hogaamiyeyaasha Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo xiisada ka dhex-aloolsan tahay, gudoomiyaha Midowga Afrika, guddoomiyaha guddiga AU-da iyo madax kale ayaa qadiyadan ka yeeshay wadahadal Internet-ka ah.

Cabdalla Xamduuk, ra'iisul wasaaraha waddanka Suudaan, ayaa xaqiijiyey in dhinacyadda ay isla qaataan in dib loo bilaabo wadahadalada hakadka ku yimid ee todobaadyaddii lasoo dhaafay aanan qabsoomin.

Abiy Axmed Cali, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa u mahadceliyey hogaanka Midowga Afrika iyo kaalinta uu ka qaboojinta xiisadda taagan.

Sidda ay qeexayaan warar diblumaasiyadeed, dhinacyadda ayaa isla gartay in Itoobiya ay dib u dhigto buuxinta biyo xireenka oo ay bilaabi lahayd bisha soo aadan.

Si lamid ah, waxaa lagu waramayaa in ay isla meeldhigeen in laba todobaad gudahooda ay isugu yimaadaan wadahadalo kale, iyaddoo guddiyo farsamo ay intaas kasii doodayaan arrimaha leysku hayo.

Itoobiya ayaa u muuqaneysa mid u dhuglaatay cadaadis ay Masar saartay markii ay guuldareysteen dedaalo Mareykanka garwadeen ka ahaa oo dib loogu dhigayey in la dhameystiro dhismaha biyo xireenka.

Xukuumadda Qaahira ayaa dalabyo u dirtay Midowga Afrika, Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo ururada ay ka tirsan tahay heer gobol iyo mid qaaradeed, kuwaas oo qaar ay taageero ka heshay.

Golaha Ammaanka oo la filayo in todobaadkan uu kulan ka yeesho is-mari-waagaan ayaa lagu waddaa in uu baaq kasoo saaro.

Biyo xireenka webiga Nile ayay Itoobiya dooneysaa in ay ka dhaliso koronto, waxaana mashruucaas maalgelinaya Shiinaha. Balse, Masar waxay u aragtaa "mid halis ku ah ammaankeda iyo wax soo saarkeeda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM