Midowga Afrika oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Image
Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa hogaamin doona korjoogtada AU-da ee doorashadda Nigeria.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika ayaa u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta inuu hogaamiyo korjoogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria.

Dadka reer Nigeria ayaa u dareeraya goobaha cod bixinta 25-ka bishan Febraayo.

Ergada goobjoogayaasha waxaa ka mid ah wakiillo ka socda hay'adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-bannaan iyo qaybaha AU.

Ujeeddooyinkeeda waxaa ka mid ah in si sax ah oo dhexdhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in ay "muujiso wadajirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida iyo horumarka" Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM