Midowga Yurub oo ka cabsi qaba in dagaalka Qasa uu ku fido Geeska Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalka Gaza ayaa walaac ku haya Geeska Afrika, gaar ahaan ka dib markii Al Shabab ee Soomaaliya ay ku baaqeen inay la midoobaan Xamaas, sidaas waxaa Axaddii u sheegay wargeyska The National sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Annette Weber, oo ah ergeyga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, oo ka qeybgshay wadahadal ka dhacay magaaladda Manama ee caasimadda Bahrain ayaa sheegtay inay jirto suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah ay u abuuri karaan "caqabad weyn dhammaan dalalka Geeska Afrika".

"Waxaan u maleynayaa in waxa walaaca leh uu yahay arrimaha Soomaaliya, halkaasoo Al-Shabaab ay si dhaqso ah uga jawaabtay weerarkii Xamaas ee Israel, oo si weyn usoo dhawaysay," ayay tiri Ms Weber.

Waxay sheegtay in Al-Shabaab aga cabsi qabo inay weeraro ku qaado dalalka Bariga Afrika, iyadoo u aargudayso Falastiiniyiinta lagu duqeynayo Qasa.

Israa’iil ayaa 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan weerar cirka ah ku qaaday marinka Qasa kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof, oo ay ku jiraan 5,000 oo carruur ah.

Iyadoo ka jawaabaysa su'aallo ku saabsan khatarta Al-Shabaab, garabka Al Qaacida ee Soomaaliya, waxay sheegtay in colaadda Bariga Dhexe aysan ahayn "dagaalka kooxaha Islaamiga ah ee dhulka Falastiin u gaar ah, balse uu yahay dagaalka Ummada Muslimiinta oo dhan".

Kooxda Al-Shabaab waxay tiri: “Muslimiintu waa inay u midoobaan taageeradda Xamaas iyo dagaalka Yahuudda".

Kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacidada Yemen iyo Suuriya ayaa iyaguna soo saaray bayaan la mid ah midka Al-Shabaab.

Dalka Yemen, kooxda Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ayaa in ka badan lix weerar oo u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku qaadey Israa'iil, kuwaasoo aan geysan wax khasaare ah. Badi madaafiicda waxa dhexda ku qabtay difaaca cirka ee Israa’iil.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya iyo Midowga Afrika kala dhaxeeya xiriir xooggan, dhanka ciidamada iyo arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM