Midowga Yurub oo ka cabsi qaba in dagaalka Qasa uu ku fido Geeska Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalka Gaza ayaa walaac ku haya Geeska Afrika, gaar ahaan ka dib markii Al Shabab ee Soomaaliya ay ku baaqeen inay la midoobaan Xamaas, sidaas waxaa Axaddii u sheegay wargeyska The National sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Annette Weber, oo ah ergeyga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, oo ka qeybgshay wadahadal ka dhacay magaaladda Manama ee caasimadda Bahrain ayaa sheegtay inay jirto suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah ay u abuuri karaan "caqabad weyn dhammaan dalalka Geeska Afrika".

"Waxaan u maleynayaa in waxa walaaca leh uu yahay arrimaha Soomaaliya, halkaasoo Al-Shabaab ay si dhaqso ah uga jawaabtay weerarkii Xamaas ee Israel, oo si weyn usoo dhawaysay," ayay tiri Ms Weber.

Waxay sheegtay in Al-Shabaab aga cabsi qabo inay weeraro ku qaado dalalka Bariga Afrika, iyadoo u aargudayso Falastiiniyiinta lagu duqeynayo Qasa.

Israa’iil ayaa 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan weerar cirka ah ku qaaday marinka Qasa kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof, oo ay ku jiraan 5,000 oo carruur ah.

Iyadoo ka jawaabaysa su'aallo ku saabsan khatarta Al-Shabaab, garabka Al Qaacida ee Soomaaliya, waxay sheegtay in colaadda Bariga Dhexe aysan ahayn "dagaalka kooxaha Islaamiga ah ee dhulka Falastiin u gaar ah, balse uu yahay dagaalka Ummada Muslimiinta oo dhan".

Kooxda Al-Shabaab waxay tiri: “Muslimiintu waa inay u midoobaan taageeradda Xamaas iyo dagaalka Yahuudda".

Kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacidada Yemen iyo Suuriya ayaa iyaguna soo saaray bayaan la mid ah midka Al-Shabaab.

Dalka Yemen, kooxda Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ayaa in ka badan lix weerar oo u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku qaadey Israa'iil, kuwaasoo aan geysan wax khasaare ah. Badi madaafiicda waxa dhexda ku qabtay difaaca cirka ee Israa’iil.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya iyo Midowga Afrika kala dhaxeeya xiriir xooggan, dhanka ciidamada iyo arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM