Milatariga Guinea oo muddeeyay xilliga ay talada wareejinayaan

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii ciidamadda afgembiga sameeyay ay wajaheen cadaadis xooggan.

CONAKRY, Guinea - Korneyl Mamady Doumbouya, oo ah madaxa ciidamada militariga ee Guinea, ayaa Sabtidii todobaadkan wuxuu shaaca ka dhiga inuu door-biday 39 bilood oo KMG ah ka hor inta uusan milatariga dalka dalka dib ugu celin xukunka rayidka ah.

Hadalkan ayuu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay telefiishanka, isagoo tibaaxay in golaha qaran ee ku meel gaarka ah (CNT) uu soo jeedintaasi horgeyn doono baarlamaanka.

Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib markii la abuuray wax uu talisku ku tilmaamay "qaab la tashi loo dhan yahay" bishii Abriil. Taasi waxay ku dhammaatay shir ay qaadaceen dhawr kooxood oo siyaasadeed oo caan ah.

Jimcihii, dowladda ay u badan tahay ciidamada ayaa sheegtay in madasha oo tixgalineysa arrinta ay isku raaceen xilliga kala guurka ee 18-52 bilood. Doumbouya, khudbadii Sabtidii, ayaa ku tilmaamay mudada uu doortay inay tahay "soo jeedinta dhexdhexaadka ah."

Urur goboleedka ECOWAS ayaa Isniintii la soo dhaafay u qabtay kama dambaysta ah soo saarista jadwalka kala guurka "la aqbali karo" ama ay halis galayaan cunaqabatayn dhaqaale iyo maaliyadeed.

Ciidamada Militariga ee haya talada dalka Guinea ayaa fasaxay in waqtigii loo qabtay ay dhaafto, si kastaba ha ahaatee, iyagoo weydiistay Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) in la siiyo waqti dheeri ah si ay wada tashigu u sii socdaan.

ECOWAS ayaa ku baaqday in la qabto waqti "la aqbali karo" oo ay dib ugu soo laabanayaan xukunka rayidka ah, haddii ay taasi dhici waydana waxay ku hanjabtay in ay kordhin doonto cunaqabateynta saaran Guinea ka dib afgambigii militariga ee halkaas ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM