Milatariga Kalinka Shanaad oo laga bedelay magaca iyo dareeska

Image

JIGJIGA, Kalinka Shanaad – Hogaamiyeyaasha Kalinka Shanaad ayaa waxay ku dhiiradeen in ay bedelaan magaca iyo dareeska milatariga gaarka u ah gobolkaan hoostaga dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

"Ciidamadda ismaamulka Soomaaliyeed" ayaa laga dhigay magaca cusub ee milatariga, halka dareeska uu ka kooban yahay midiba badan oo isku-dhafan waxaana kamid ah; cagaar, kafey iyo cadaan.

Tan iyo markii la doortay 2018-kii, Mustafa Muxumed Cagjar, madaxweynaha dowlad degaanka, ayaa sameeyay isbedelo badan kuwaas oo ku saabsan dhinacyada siyaasada iyo nidaamka garsoorka.

Intaas waxaa wehlisa, in uu bedelay magacii guud ee gobolka oo uu ka dhigay "Somali State" iyo calanka oo midka Soomaaliya lagu daray, maadaama kolkii hore uusan ku jirin kana saarey midka Ethiopia.

Inkasta oo aad loo soo dhaweeyay talaabooyinkaas, haddana dadka dhaliila hogaaminta Cagjar ayaa sheegaya in uu wali jiro tacadigii dhanka xorriyadda hadalka isla markaana dad loo xiro fekerkooda.

Cagjar oo beeniyey eedeyntaas ayaa sheegay in kuwa dhaleeceyntaas u jeedinaya ay kamid ahaayeen maamulkii ka horeeyay "isla markaana ay doonayaan in xorriyada ay heleen si qaldan u adeegsadaan".

Xilli uu ku celceliyey in ay cadaaladda wajihi doonan dhamaan shaqsiyaadkii ku lugta labaad gabood-faladii degaanka ka dhacay, Cagjar ayaa iska fogeeyay in ay si gooni ah u beegsanayo madaxdii ka horeysay.

Gobolka Soomaalida waa kan labaad ee ugu weyn tobban ismaamul hoosaad ee uu ka kooban yahay federaalka Itoobiya. Sida ku cad tirokoobkii ugu dambeeyay, tiradooda waxay ka badan tahay hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM