Milatariga Kenya oo Internet-ka ka joojiyey in ka badan 200 goobood

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda difaaca Kenya ayaa adeega Internet-ka ka xayiray in ka badan 200 goobood oo ku yaala miyiga gobolada Garissa, Mandera, Samburu, Marsabit iyo West Pokot, sidda ay tabisay saxaafada.

Sii-haayaha agaasimaha guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Kenya, Mercy Wanjau, ayaa u sheegay baarlamaanka in talaabadan ay la xiriirto amni daradda sii kordheysa iyo "cadaawadda" ka imaaneysa dadweynaha.

Sidda ay wararku daaha ka rogayaan, shaqaalaha 11 kamid ah barahaas la far-muuqay ayaa si rasmi ah u joojiyey howlihii ay dadka shacaka u hayeen.

Wanjau ayaa caddeeyay in degaanka xayiraadda lagu soo rogay la siiyey adeega 2 G-ga, kaasoo aanan lahayn xawaare u qalma midkii ay haysteen.

"Qandaraasleyda waa loo sheegay in ay joojiyaan shaqada. Ciidamadu waxay u sii ololeyn doonan in aan wax adeeg internet-ka aysan ka jirin gobolada aan soo sheegnay," ayuu yiri.

Bartamaha sanadka 2022-ka ayuu ka dhawaajiyey in ay beegsanaaa gobolada; Tana River, Wajir, Turkana, Marsabit, Meru, Laikipia iyo Isiolo.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar waxay weeraro ku ekeeyaan anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya, arrintaas oo dowlada Kenya lagu dhaliilay in ay ku fashilantay in ay deg-deg wax uga qabato.

Badi anteenooyinka ay bartilmaameedsatay Kenya waxaa iska leh shirkadda Safaricom, oo dhankeeda lagu eedeeyay in ay ciidamadda waddankaas u adeegsato in ay burburiyaan anteenooyinka shirkada Soomaalida.

Isgaarsiinta ayaa kamid ah alaadaha ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan abaabulka weeraradda, waxaana dhowr jeer ciidamada Kenya uu u sahlay adeegan in ay soo qabtaan maleyshiyo badan oo weeraro geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM