Mucaaradka Nigeria oo ku baaqay in doorashada lagu celiyo

Image
Guddiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in uu coddeynta ku guuleystay Musharaxa xisbiga talada haya APC, Bola Tonibu.

MUQDISHO, Soomaaliya - Seddex xisbi siyaasadeed oo ka qeybgalay doorashooyinkii dhowaanta ka dhacay Nigeria, kuwaas oo kala ah Xisbiga LP, PDP iyo ADC ayaa ku baaqay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo ku eedeeyay xisbiga talada haya ku shubasho.

Musharaxa xisbiga talada haya APC ee lagu magacaabo Mudane Bola Tonibu ayaa guddiga doorashadda uu ku dhawaaqay in uu ku guuleystay coddeyntan sidda aadka ah loogu loolamay.

Xisbiyada ayaa sidoo kale codsanaya in xilka laga eryo guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamuud Yakuubo oo ay ku eedeeyeen in uu eex sameeyay, waxayna sheegeen in lagu badelo qof dhexdhexaad ah oo laga keeno bannaanka guddiga doorashada.

Kormeerayaasha joogay doorashadii dhacday maalintii sabtidii ayaa ka cawday gaabis dhanka gaadiidka ah, iyo waliba sida cagajiidka ah ee ay natiijooyinka usoo dhacayaan.

Xisbiga talada haya ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday sheegashooyinka mucaaradka, waxayna guddiga doorashada "ugu hambaleeyeen sidda daacadda ah ee waajibaadooda u guteen".

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Obasanjo ayaa warqad furan oo uu u qorey madaxweynaha xilka ka dagaya Buhari ugu sheegay in guddiga doorashada uu lumiyay dhexdhexaadnimadii, natiijadana uu farsameeyay.

Kadib ku dhawaaqida natiijadda doorashadda, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga baqdin qabo in ay dhacaan rabshado la xiriira muranka doorashada kuwaasoo dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika uu caan ku ahaa sanadihii aynu kasoo gudubney.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM