Muhaajirin ku geeriyooday doon ku degtey xeebaha Tunisia

Image
Ilaalada xeebaha ayaa badbaadiyay 20 qof oo tahriibayaal ah oo la socday doonida buux dhaaftay.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 5 tahriibayaal Afrikaan ah ayaa dhintay 10 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay kula degtay dalka Tunisia, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka dalkaasi Sabtidii, dadkan ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay uga sii gudbaan badda Mediterranean-ka ayna u talaabaan Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha ayaa badbaadiyay 20 qof oo tahriibayaal ah oo la socday doonida buux dhaaftay, taasoo ku degtay magaalada Louata ee gobolka Sfax Jimcihii, sida uu sarkaalku u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ma cadda wadamada ay kasoo kala jeedaan waddankan. Balse, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay qaxootiga ugu badan ka baxaan iyaga oo kusii jeeda wadamada qaaradda Yurub.

Xeebta Sfax waxay noqotay meel ay ka dhoofaan dadka ka soo cararay faqriga ee Afrika iyo Bariga Dhexe si ay fursad ugu helaan nolol dhaanta Yurub.

Bilihii la soo dhaafay, boqolaal qof ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia, iyadoo ay kordheen dadka ka imaanaya Tuniisiya iyo Liibiya ee u baxsanaya dhanka Talyaaniga.

Marka loo eego qalalaasaha dhaqaale ee Tuniisiya, in ka badan 18,000 oo muwaadin Tunisian ah ayaa doomo ku raacay Yurub 2022, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda Tunisian Forum for Economic and Social Rights.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM