Museveni oo loo doortay madaxweynaha Uganda

Image

KAMPALA, Uganda - Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Yoweri Museveni uu yahay guuleystaha coddeyntii madaxtinimada waddankaas.

Sidda laga soo xigtay shaacinta guddiga, Museveni ayaa labinta ku leh 58.6 boqolkiiba dhamaan codadkii laga dhiibtay doorashooyinka madaxtooyadda.

Musharaxii ugu soo dhowaa Robert Kyagulanyi oo loo garan og-yahay Bobi Wine ayaa kaalinta labaad kusoo baxay asaga oo helay codad gaaraya 38.4 boqolkiiba.

Shalay oo Jimce ahayd, Wine ayaa sheegtay in uu ku adkaaday doorashooyinka, wuxuuna natiijo horudhac ah oo soo baxdey uu ku tilmaamay "mid la maroor-saday".

Wine, oo ah hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee Uganda, ayaa tilmaamay in uu dareemayo cabsi isla markaana gurigiisa ay Jimcadii hareeyeen ciidamadda milatariga.

Museveni oo ah 76-sano jir ayaa markii saddexaad oo xiriir ah waxaa loo dhaarinayaa xilkaas, isaga oo xafiiska sii joogaya ku dhowaad afar qarni ama 40-sano.

Bobi Wine oo horey u ahaa heesaa ama fanaan ayaa wuxuu saaxada siyaasada kusoo galay in uu hibadiisa ku dhaliilo dowladda Museveni, wuxuuna soo jiitay dhalinyaro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM