Musharax madaxwayne oo loo xiray in uu iska-dhigay qof kale

Image
Inkasta oo uu ku guuldareystay tartankii madaxtinimada, Peter Obi ayaa wali ah mid shacbiyad leh.

LONDON, Britain - Siyaasiga reer Nigeria, Peter Obi, ayaa Jimcihii 7-dii April, waxaa garoonka diyaaradaha ee London ku xiray saraakiisha hay'adda socdaalka boqortooyadda Ingiriiska, sidda uu xisbigiisa sheegay.

Obi, oo ku tartamay doorashadii madaxtinimo ee dhacday 25-kii Febraayo sanadkan 2023-ka, ayaa su'aalo saacado aan la cayimin qaatay waxaa laga weydiiyay "in uu ogolaanshiyo la'aan adeegsadey aqoonsiga qof kale".

Murashaxan madaxwayne oo tartanka doorashadda looga adkaadey ayaa waxa uu ku ololeeyay xisbiga shaqaalaha ah waxa uu loolanka ka galay kaalinta saddexaad, sidda uu shaaciyey guddiga coddeynta.

Diran Onifade, afhayeenka Golaha Ololaha Xisbiga Shaqaalaha, ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii shalaya hayd, ku sheegay in Obi uu London u aaday si uu ugu dabaaldego ciidda masiixiyiinta ee Easter.

"Sameynta sare ee dembigu waa in qofka iska dhigaya uu samayn karo dhammaan noocyada dambiyada culus iyo falalka kale ee shakiga leh waxaana lagu qori doonaa magaca Obi," ayuu nuqul kamid ah qoraalka ku yiri.

Dowladda Ingiriiska ayaa illaa haatan waxa aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan su'aallo waydiinta Peter Obi. Isku-dayo ay saxaafadda maxaliga ah ee dalkaas la sameysay laanta socdaalka ayaan guuleysan.

Peter Obi ayaa kamid ahaa musharaxiinta ugu shacbiyada badnaa tartankii ololaha doorashadda madaxtinimadda Nigeria. Ololihiisa waxa uu diiradda saarayay wax ka qabashadda shaqo la'aanta haysata dhalinyaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM