Muslimiinta Kenya oo ku kala qeyb-samay bisha barakeysan ee Ramadan

Image

NAIROBI, Kenya – Muslimiinta wadanka Kenya ayaa waxay si weyn ugu kala qeybgsameen maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan, sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee Daily Star.

Qaarkood ayaa waxay shalay u ahayd maalinta koowaad ee Soonka, halka kuwa kale ay Sabtida maanta ah bilaabeen Ramadaanka.

Culimada 24-kii April bilowday Soonka waxay ku doodeen in bisha laga arkay meelo kamid ah caalamka, sidaasna ku Soomeen.

Hase ahaatee, qaarka kale ee maanta bilaabay Ramadaanka ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah Afrika ama gudaha Kenya oo bisha laga arkay sidaas darteeda ay ku afureen Jimcadii shalay.

Sidoo kale, waxay cod dheer ku sheegeen in Muslimiinta shalay soontay ay u hogaan-sameen "shaacinta boqortooyada Sacuudiga".

Axmed Mundhar, madaxa Maxkamadda Islaamiga ah, Golaha guud ee Culimada iyo Wadaada dalkaas ayaa hogaaminaya xubnaha Sabtida maanta ah u tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadan.

Khilaafka Muslimiinta dhexdooda ah marka la gaaro bisha Ramadaan ayaa noqdey wax iska caadi ah, wallow ay jirto meelo ay ka mideysan yihiin.

Sidda ku xusan tirakoobkii ugu dambeeyay, Muslimiinta ayaa dalka Kenya ka ah 10.91 boqolkiiba, taas oo macnaheedu yahay in ay tiro ahaan gaarayaan 5.2 milyan oo ruux, waxaana ku jira Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM