Mustaqbalka madaxweynaha Koonfur Afrika oo mugdi galay

Image
Cyril Ramaphosa ayaa wajahaya cadaadis xooggan kadib markii uu kusoo baxay kiis fadeexad ah.

CAPE TOWN, South Africa - Mustaqbalka madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa shaki la galinayaa iyadoo cadaadiska uu sii kordhayo kadib warbixin rasmi ah lagu sheegay in laga yaabo inuu ku xadgudbay dastuurka.

Cyril Ramaphosa ayaa loo haystaa inuu qariyay xatooyo lacag caddaan ah oo lagu xaday beertiisa, taasoo uu beeniyay. Jimcihii xisbigiisa ANC wuxuu muddeeyay shir xasaasi ah, balse 45 daqiiqo ka dib ayaa dib loo dhigay.

"Saraakiisha xisbiga ayaa qorsheynaya inay la kulmaan madaxweynaha Sabtida maanta ah," ayuu yiri ku-simaha xoghayaha guud ee xisbiga ANC Paul Mashatile.

Wuxuu raaciyey: "Madaxweynuhu shirka ma joogin, la tashi ayuu ku mashquulsan yahay, marka annagu inta anaga na khuseysa, arrinta Madaxweynaha oo uu damacsan yahay inuu is casilo iyo in kale ma aysan soo bixin".

Sidda ku xusan warbixinta, lacagta lagu dhacay beerta madaxweynaha ayaa dhan $580,000. Warbaahinta maxaliga ah waxay sheegaysaa in laga yaabo in lacagta ay intaas kasii badan karto.

Fadeexadan ayaa si gaar ah u dhaawaceysa Mr Ramaphosa, sababtoo ah waxa uu xilka qabtay isaga oo wacad ku maray in uu meesha ka saarayo musuq-maasuqa dalka hareeyay ee uu xilka ku waayay Jacob Zuma.

Haddii ay dhacdo in uu Mr Ramaphosa xilka hogaamiyaha xisbiga ANC, marka hore waa in uu baneeyaa jagadda madaxweynaha, sidda uu xeerinayo dastuurka Koonfur Afrika.

Sida dastuurku qabo, haddii madaxwaynuhu xanuusado ama uu xilka ka tago waa in uu xilka la wareego madaxweyne ku xigeenka. Doorashadda madaxweynaha iyo cidda noqonaysa waxaa go'aan ka gaaraya xisbiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM