Muwaadin Shiinees ah oo lagu dilay gobolka Oromada

Image
Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa in muddo ah ka cabaneysay in la liido.

ADDIS ABABA, Ethiopia — Muwaadin Shiinees ah ayaa lagu dilay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay maanta sheegtay safaaradda Beijing ee Addis Ababa, oo ku amartay muwaadiniinta inay kasoo baxaan aagagga halista ah.

Sagaal muwaadin oo Shiinees ah ayaa habeenkii Isniinta lagu weeraray deegaanka Gebre Guracha, oo 160 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah, sida ay safaaradda ku sheegtay bayaan.

“Nasiib-darro, mid ka mid ah ayaa la toogtay oo dhintay,” ayey tiri safaaradda, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan dhacdadan ama muwaadiniinta Shiineeska ah.

Ayada oo xasilloonida ay inta badan dib ugu soo laabatay gobolka waqooyi ee Tigray kadib laba sano oo dagaal xun ah, haddana dagaal ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan Ethiopia, oo muddo uu ka socdo dagaal iska caabin.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa in muddo ah ka cabaneysay in la liido.

Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA ayaa ka faa’iidaysatay caradan sii kordheysa, si ay u xoojiso safafkeeda ee dagaal sanado badan socda oo ay kula jirto ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka.

Hase yeeshee gobolka ayaa waxaa sidoo kale saameeyey dagaal qowmiyadeed kale, gaar ahaan mid u dhaxeeya Oromada iyo Amxaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan dalka.

Safaaradda Shiinaha ayaa maanta sheegay in "kiisaska halista ah ee weerarrada hubaysan, afduubka, iyo dhaca" ay ku badan yihiin Oromia iyo gobollada xuduudda la leh.

Waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sare u qaadaan wacyigooda badbaadada ayna ka tagaan gobollada weli ay colaadaha saameynayaan.

"Haddii aad horey u joogtay aag halis badan, waa inaad isla hadda u guurtaa meel nabdoon," ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Marka lala barbardhigo dagaalka Tigray, dagaalka Oromia ayaan soo jiidan dareenka caalamka balse wuxuu halis ku yahay xasilloonida dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa wada-hadal uu taleefonka kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed horraantii bishan, wuxuu walaac uga muujiyey xaaladda Oromia.

AFP + VOA

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM