Muxuu salka ku hayaa socdaalka Madaxweynaha France ee Ethiopia?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa booqasho labo maalmood qaadan doonta maanta uga billaabatey dalka Eithiopia, isagoo lugtii hore ee safarkiisa Africa ku tagey Djibouti.

Macron ayaa ku degay magaaladda taariikhiga ah ee Lalibela, oo caasimad u ah gobolka Amhara ee waqooyiga Eithiopia halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Sababta uu magaladda u caga-dhigtay Macron ayaa lagu sheegay inuu booqanayay Kaniisaddo da'weyn oo lagu magacaabo "Rock-Hewn Churches of Lalibela", oo hay'adda UNESCO u aqoonaasatay goob dhaqan oo caalami ah.

Waxaa Madaxweynaha kadib loo galbiyay Addis Ababa, oo uu kulan kula leeyaya Madaxweynaha Eithiopia, haweenayda lagu magacaabo, Sahle-Work Zewde, oo ay kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya.

Mudada uu Macron ku sugan yahay Addis Ababa ayaa la saxiixan doono madaxda dalka Eithiopia heshiisyo ganacsiga iyo kuwa kale oo aan la shaacin.

France iyo Eithiopia ayaa ka dhaxeeyay xiriir diblumaasi oo qoto dheer tan iyo 1897.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM