Muxuu yahay iskaashiga ay dhisayaan madaxda ku shirtay Asmara?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika.

Illo diblomaasiyadeed ayaa ku qeexay inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed.

Dowladahan ayaa horey u kala saxiixdey heshiisyo ku saabsan dhanka ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Talaabadan cusub ayaa kusoo aadeysa iyaddoo qaar kamid ah dowladahaan ay kusoo fool leeyihiin doorashooyin xasaasi ah.

Si lamid ah, waxay imaaneysaa iyaddoo aanan wali qeyb ahaan aan la fulin heshiiska nabadda ee Itoobiya iyo Eritrea.

Dadka dhaliilsan Iskaashiga cusub oo ay yeelanayaan dowladahaan ayaa sheegaya in maqnaanshiyaha dalalka kale ee Geeska Afrika ay ugu yaraan hoos u dhigi karto saameynta balaaran oo ay sameyn karaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM