Niger: Hogaamiyaasha afgambiga oo loo hanjabey

Image

NIGER: Gollaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika ayaa maanta u qabtey hoggaamiyayaasha afgambiga ku qabsaday dalka Niger 15 maalmood, si ay xukunka u wareejiyaan oo ay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Gollaha ayaa soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareynayeen afgambigii milateri ee ka dhacay dalka Niger, kaas oo lagu riday madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Basoum.

Golaha oo howshiisu la mid tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay in africa ay dib ugu dhaco afgambi militeri, kaas oo wax u dhimaya dimuqraadiyadda, amniga, nabadda iyo xasilloonida qaaradda.

Sida oo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay inaan loo dulqaadan karin isbeddellada dowladeed ee aan waafaqsanayn dastuurka qaaradda Afrika.

Waxaa loogu baaqay ciidamada in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ay ugu soo laabtaan xeryahooda, isla markaana ay dib u soo celiyaan maamulka sharciga ah muddo 15 maalmood gudahooda.

Goluhu waxa uu dalbaday in la sii daayo Madaxweyne Bazoum iyo dadka kale ee u xiran siyaasadda, lana ixtiraamo xuquuqdooda. Waxa uuna ballan qaaday in uu qaadi doono tallaabo kasta oo ka dhan ah dadka geystay xadgudubyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM