Niger oo mugdi ku seexatay ka dib markii laga jartay korontada

Image

NIAMEY - Nigeria ayaa joojisay korontadii ay siin jirtay Niger, si loo dhaqan geliyo cunaqabateynta ay ku dhawaaqeen Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS).

Ilo ku dhow maamulka shirkadda korontada ee Niger ayaa u sheegay "AFP in Nigeria tan iyo Talaadadii ay jartay khadka korontada u gudbiso Niger oo ku tiirsan boqolkiiba 70 isticmaalka korontada Nigeria.

Wararka ka imaanaya dalka Niger ayaa sheegaya in qaar kamid ah magaalooyinka dalkaas ay ka jirto koronto la’aan. Isbadalkaas ayaa laga dareemaya inta badan ee Niger iyada oo ay Korontada shaqeyso 5 saacadood maalinkii.

Wadamada (ECOWAS) ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Niamey ka dib markii ay ciidamadu afgambiyeen madaxwaynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Bazoum todobaad ka hor.

Axadii ina dhaaftay ayay ahayd markii ururka ECOWAS uu shir deg deg ah ku yeeshay dalka Nigeria, shirkaas oo ay ku shaaciyeen in cunaqabatayn la saaray madaxdii afgambiga ka gaystay dalka Niger.

Waxaa ka mid ahaa joojinta dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya Niger iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Iyadoo madaxda afgambiga loo qabtay muddo toddobaad ah inay xilka iska wareejiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM