Niger oo qaadday tallaabo saameyn karta 70% korontada Faransiiska

Image

NIGER: Hogaamiyayaasha afgambiga ee dalka Niger ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu isku diyaarinayo faragelin militari, si uu dib xukunka ugu soo celiyo Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Waxayna ku dhawaaqeen joojinta Uranium-ka loo dhoofiyo Faransiiska, taas oo loo arko inay tahay dharbaaxo culus oo ku dhacday Paris, taas oo ku tiirsan Uranium-ka muhiimka ah soo saarista korontada.

Uranium-ka Niger ayaa daboolaya 35 boqolkiiba baahida Faransiiska, waxayna ka caawisaa warshadaheeda Nukliyeerka inay soo saaraan boqolkiiba 70 korontadooda.

Sidaas darteed, Faransiisku wuxuu isku arkayaa xaalad adag, maadaama afgambiga Niger uu si toos ah u saamayn doono, gaar ahaan markii uu qaatay go’aan uu ku ballaarinayo warshadihiisa Nukliyeerka, taasoo ka dhigan in dalabka Uranium-ka uu hadda ka sarreeyo sidii hore.

Dhanka kale, cilmi-baare Faransiis ah ayaa xaqiijiyay in milatariga Niger oo qaatey go'aankan ay hadda ku qasban yihiin inay Uranium-ka u raadiyaan suuq kale.

Isaga oo yiri in tallaabooyinkan degdega ah aysan wanaajin doonin xaalada cakiran, mas’uuliyiinta afgambiga sameeyay ayaana og in Faransiisku uu garab istaagi doono madaxweynaha xilka laga tuuray ayna isku dayi doonaan in ay dib ugu soo celiyaan xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM