Nigeria: In ka badan 100 ruux oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Mas'uuliyiinta gobolkaasi ayaa ku adkeystay in tirada dhimashadda ee saxda ah aan la ogeyn.

ABUJA, Nigeria - In ka badan 100 qof ayaa la dilay kadib markii maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen tuulo ay ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyiga Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Mas'uuliyiinta gobolkaasi ayaa ku adkeystay in tirada saxda ah aan la ogeyn. Tani waxay ka dhigan tahay baaritaan ay ku wadaan waxyeeladda guud ee weerarkan uu geystay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC News Hausa in weerarka uu socday "in ka badan 48 saacadood" una dhaxeeyay kooxaha feejigan iyo "burcada" tan iyo Khamiistii todobaadkii hore.

Dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Bakori ee gobolka Katsina, waxaana mas’uuliyiinta halkaas ku sugan ay ku dhawaaqeen baaritaan Jimcihii, sida laga soo xigtey warbixinta.

Dowladda Nigeria ayaa wafdi u dirtey aagga ay wax k dhaceen oo ay ka bilowdeen munaasabado loogu baroor-diiqayo dadka ay waxyeeladda soo gaartey iyo kuwa geeriyoodey.

Xoghayaha dawladda hoose ee Katsina, Alhaji Muntari Lawa,l ayaa la wariyey in uu u sheegay dadka degaanka in aanay "sugin dawladda kuna dhiiraadaan in ay iska-dulqaadaan manaxayaasha".

Nigeria ayaa kamid ah wadamadda Afrika ee rabshadaha ugu badan ee burcadda ay ka dhacaan. Dhacdadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli doorasho qorshuhu yahay in ay ka dhacdo dalkan dhaqaalaha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM