Nigeria: In ka badan 500 qof oo ku geeriyoodey daadad

Image
Daadadka ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo biyo-xireenno xad dhaaf ah oo laga sii daayay Nigeria iyo Cameroon.

ABUJA, Nigeria - Mas'uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay daadad ku dhuftay waddankaas toddobaadyadii la soo dhaafay ay kor u dhaaftay 500 oo qof.

In ka badan 1,500 oo kale ayaa ku dhaawacmay halka 1.4 milyan ay barokaceen.

Tan iyo dhamaadkii bishii Luulyo, dalka ku yaal galbeedka Afrika waxa uu la tacaalayay mowjado daadad ah oo saameeyay 31 ka mid ah 36-ka gobol ee uu ka kooban yahay oo ay ku jirto caasimadda Abuja.

Daadadka ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo biyo-xireenno xad dhaaf ah oo laga sii daayay Nigeria iyo biyo-xireen weyn oo ku yaalla dalka deriska la ah ee Cameroon.

Khubarada ayaa sidoo kale qayb ka mid ah ku eedeeya fatahaadda saameynta isbedelka cimilada.

Dalkan waxaa sanad walba ku dhufta daadad. Laakiin masiibada sanadkan waa tii ugu xumayd in ka badan toban sano.

Isagoo warbixin ka siinayay xaaladda shir jaraa'id oo uu qabtay Talaadadii, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha bini'aadantinimada, Nasir Sani Gwarzo, ayaa sheegay in tobanaan kun oo guri iyo dhul beereed aad u badan la burburiyay.

Mas'uuliyiinta Nigeria ayaa ka digaya in gobolada bartamaha iyo koonfurta dalkaasi ay u badan tahay in ay la kulmaan daadad kale todobaadyada soo socda.

Heerka burburka iyo barokaca ay daadadku sameeyeen ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo cunto yari ka jirta dalka ugu dadka badan Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM