Nigeria: Qaylo-dhaan ka dhalatay gabdho walaalo ah oo la afduubtay

Image
Afduubka madax furashada lagu rabo ayaa dhibaato weyn ku haya waddanka Nigeria.

ABUJA, Nigeria - Shan gabdhood oo walaalo ah oo lagu af-duubtay meel u dhow caasimada Nigeria ee Abuja ayaa dhaliyay qaylo dhaan qaran, waxayna sare u qaadday cabsida amni-darro ee dalkaas.

Gabdhaha walaalaha ah ayaa bilowgii sanadkan waxaa la qafaashay dabley kusoo weeraray gurigooda oo 25 kiilo mitir u jira bartamaha magaalada Abuja, sida uu qof qoyska ka mid ah u sheegay AFP.

Goobjoogaha ayaa xusay in kooxda weerarka geysatay ay dileen mid ka mid ah gabdhaha walaalaha ah oo lagu magacaabi jiray Nabeeha Al-Kadriyar oo 21 jir ah, kadib markii uu dhamaaday waqtigii madax furasho.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay, waxaa socday wada xaajood lagu sii deynayo gabdhaha kale iyadda oo kooxda hubeysan ay dalbatay lacag madax-furasho aan wali la shaacin.

Afduubka madax furashada lagu rabo ayaa dhibaato weyn ku haya Nigeria, iyadoo kooxaha dambiilayaasha ah ay beegsadaan waddooyinka waaweyn iyo guryaha oo ay xitaa ardayda ka qaataan dugsiyada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM