Nin dhimasho been ah xabsi uga baxsadey oo gacanta lagu dhigay

Image
Thabo Bester ayaa, sidda laga soo xigtey saraakiisha amniga, waxaa muddo sanad ah ka maqnaa xabsiga.

NAIROBI, Kenya - Nin geystay kufsi iyo dil kana baxsaday xabsi ku yaalla Koonfur Afrika kaddib markii uu iska-dhigay in uu geeriyoodey ayaa lagu xiray Tanzania, sidda ay ku warantey saxaafadda gudaha.

Thabo Bester ayaa, sidda laga soo xigtey BBC-da, waxaa muddo sanad ah ka maqnaa xabsiga ka dib markii loo maleynayay inuu isku-dhex-gubay jeelka uu ka fakaday.

Howlgal lagu baadigoobayo ayaa la bilaabay bishii hore ka dib markii baaritaan cusub oo lagu sameeyay lagu ogaaday in qofka geeriyoodey ee meydkiisa la helay uusan isaga ahayn.

Bester ayaa Jimcihii la qabtay isaga, gabar lagu waramay in ay tahay saaxiibtiis iyo qof kale oo saddexaad oo la tuhunsan yahay, waxaana loo gudbin doonaa Koonfur Afrika.

Taliska Booliska Tanzania oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa tibaaxay inay rumeysan yihiin in saddexdaasi qof ay damacsanaayeen inay u baxsadaan dalka deriska la ah ee Kenya.

Bester oo naanees ahaan caan ku ah magaca "kufsadaha Facebook" ayaa eray-bixintaas loogu magac-daray maadaama gabadhaha uu faroxumeeyay uu ku duuf-sadey isla bartan.

Sanadkii 2012-kii ayaa xukun lagu riday markii lagu helay kufsiga iyo dilka saaxiibtiis Nomfundo Tyhulu. Sanad ka hor, waxaa lagu helay dambi ah inuu kufsi iyo dhac u geystay labo haween oo kale.

Bishii Maajo, ayaa waxaa la sheegay in meydkiisa laga helay qolkiisa kadib markii sida muuqata uu isku gubay Xarunta Ciidamadda Asluubta ee Mangaung ee magaalada Bloemfontein dalka South Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM