Nin ku qayliyey in uu bam wato oo lagu qabte garoon diyaaradeed

Image
Saraakiisha ammaanka ayaa illaa haatan waxay baarayaan ujeedada ka dambeysa talaabadan 50-jirkan.

NAIROBI, Kenya - Laamaha ammaanka Kenya ayaa qabtey nin 50-sano jir ah kaasoo ku qayliyey in uu waddo bambo xilli uu ka gudbayey qeybta hubinta ee garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa.

Sidda laga soo xigtey majaladda The Star, falkan ayaa dhacay 23-kii bishan Febraayo. Baareyaasha ayaan wali fahmin sababta dhabta ah ee ka dambeysa qayladda Harrison Njenga Kiarie.

Saraakiisha gacanta ku haya kiiskan oo oo wargeyskan afka dheer uu soo xigtey ayaa shaaca ka dhigtey in ay goobayaan haddii ay jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug leh iyo caddeymo kale dheeraad ah.

Kiisaska argagixisanimada ayaa hoos u dhacay magaalooyinka waaweyn ee Kenya ka dib hawlgalo ay sameeyeen booliska iyo hay’ado kale kuwaasoo lagu beegsanayo shabakadaha.

Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaaday deegaano ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya taasoo sababtey in xukuumadda Nairobi ay heegan geliso ciidankeeda.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday ciidamada ammaanka, kadib markii ay wadooyinka soo galiyeen walxaha qarxa, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro naf iyo maal.

Febraayo 24, 2023, laba askari oo bilays ah ayaa la dilay ka dib markii baabuur ay wateen uu bam ku jiiray wadada Dhadhaab iyo Gaarisa. Dowladda Kenya ayaa falkaas ku eedeysay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM