Nin saaxiibkiisa u dilay aflagaado uu u geystay oo Booliska isu dhiibay

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska magaaladda Tana Delta ee ismaamul goboleedka Tana River ayaa shaaciyay in ay hayaan nin dilay saaxiibkiisa.

Leonard Baya, oo 68-sano jir ah, ayaa seef u adeegsaday dilka saaxiibkiisa Kahingu Katana, oo 40-sano jir ah, markii uu aflagaadeeyay.

Taliyaha booliska Tana River ee Fredrick Ochieng ayaa sheegay in Katana uu ku tilmaamay Baya "nin aan waxba ka tareyn dumarka [labeeb]."

"Baya waxaa la sheegay in uu ka carooday markii loogu yeeray nin aan waxba dhaleyn oo guursaday dhilo, iyada ay marti kale fadhiso," ayuu yiri taliyaha.

Muranka halkaasi ka dhashay ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay iyada oo uu gaarey in ay seef isu soo qaataan oo qoorta laga jaro Katana.

"Katana waxaa la sheegay in markii uu hadaladaasi ku oranayey saaxiibkiisa uu cabsanaa," ayuu taliyaha hadalkiisa kusii daray.

Meydka ayaa la dhigay halka lagu keydiyo ee ku taalla magaaladda si baaritaano loogu sameeyo marka loo baahdo.

Eedaysanaha ayaa haatan sugaya in maxkamad lasoo taago, wuxuuna wajahayaan dacwad ku saabsan dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM