Nin Soomaaliya "kasoo doontey" Kitaabka Qur'aanka oo la xiray

Image
Maxkamadeynta eedeysanahan ayaa bilaabatay wallow dib loo dhigay waqtiga go'aanka laga gaarayo.

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taal magaaladda Mandheera dalka Kenya ayaa la soo taagay nin isku dayay in uu ka soo gudbo xadka Soomaaliya, isagoo sii maraya goob sharci darro ah oo ka soo horjeeda sharciga socdaalka.

Paul Bachia, oo 21-kii Oktoobar laga soo qabtay meel u dhow Shirkadda Biyaha ee Najma ee ku taal xuduudka, ayaa qirtay dembiga. Maxkamadda ayaa dhageysatay in Bachia uu Mandheera ku laabtey Oktoobar 16, 2022 soona maray wadada Nairobi iyo Mooyaale.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, Bachia oo ku labisan dareeska darawalada gaadiidka dadweynaha, ayaa mar sii horreysay tagay Mandheera isagoo raadinaya shaqo dowladeed.

Si kastaba, ma uusan haysan wax dukumeenti ah oo muujinaya inuu yahay darawal aqoon leh. Tani waxay kordhisay tuhunka ay ka qabaan dambi-baareyaasha Kenya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay dhageysatay in Bachia Masjidka Jamia ku qaatay diinta Islaamka Oktoobar 17, 2022, loona bixiyey magaca Maxamed.

Sida uu sheegay dacwad-oogaha Michael Lokitam, eedaysanaha ayaa u sheegay saraakiisha baaritaanka in uu Soomaaliya ka doontey kitaabka Quraanka Kariimka ah gaar ahaan kan ku tujuman luuqada Kiswahili.  Balse, arrintan ayay ku qeexeen wax aan macquul aheyn.

Garsooraha maxkamada Peter Wasike ayaa sheegay in kiiskan uu go’aan kama dambeys ah kasoo saari doono Disembar 1, 2022 wxii ka horeeyana eedeysanaha uu haysto laba fursadood oo uu banaanka ku tagi karo.

Fursadda koowaad waa in uu la yimaado qof damaanad ka noqon karo ama in uu bixiyo lacag dhan 8-kun doolarka Mareykanka ah taasoo laga haynayo inta uu banaanka joogo isla markaama kiiskiisa ay maxkamadda soo afmeereyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM