Nuur Gaaboow, taliyaha booliiska Kenya iyo Gabadha Odinga oo hadal isu mariyay saxaafadda

Image

NAIROBI, Kenya- Taliyaha booliiska Kenya Nuur Gaaboow ayaa Shacabka Kenya ka codsaday in ay ka baaqsadaan tagista isu soo baxyada iyo isu imaatinada maalinta beri ah oo lagu dhowaaqayo natiijadda dacwadda maxkamadda ee ku saabsan murankii ka dhashay doorashada.

Wuxuu sheegay in shacabka ay guryahooda kala socdaan go’aanka garsoorayaasha.

Wuxuu hadlayay waxyar kadib markii Winnie Odinga oo ah gabadha uu dhalay Raila Odinga ay shacabka ugu baaqday in maalinta beri ah ay dhigaan banaanbax nabadeed.

Dhanka kale booliiska ayaa sheegay in dad aad u yar oo shacabka ka tirsan loo ogolaan doono maxkamadda sare, lana xiri doono dhammaan waddooyinka gala maxkamadda.

Taliyaha Gaaboow ayaa shacabka u sheegay in aysan guryahooda ka qixin, islamarkaasna aysan gelin wax cabsi ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM