Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Image

KHARTOUM, Sudan — Maamulka militariga Sudan ayaa si hordhac ah u oggolaaday in madaxweynihii hore ee dalkaas Omar al-Bashir uu dibadda ugu safro si uu u helo daaweyn caafimaad, sida uu sheegay qareen ka tirsan kooxdiisa difaaca, inkastoo tallaabadaasi aysan weli dhaqan gelin.

Qareenka Mohamed El-Hassan El-Amin ayaa sheegay in Bashir, oo 82 jir ah, uu u baahan yahay baaritaanno iyo habraacyo caafimaad oo aan laga heli karin gudaha Sudan. Wuxuu sheegay in xaaladda Bashir aysan hadda ahayn mid halis ah, balse uu leeyahay calaamado u baahan baaritaanno dheeraad ah.

El-Amin ayaa sheegay in kooxda difaaca ay dowladda u gudbisay codsi lagu doonayo in Bashir dibadda loogu qaado daaweyn, isla markaana ay heleen oggolaansho hordhac ah. HaseBalse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro. yeeshee, wuxuu sheegay in go’aankaasi uusan weli fulin, isla markaana oggolaanshaha kama dambaysta ah uu u baahan yahay saxiixa madaxda sare ee militariga iyo siyaasadda.

Qareenka ayaa sheegay in kooxda difaaca ay weli cadaadis ku saarayso mas’uuliyiinta inay oggolaadaan in Bashir loo oggolaado inuu dalka dibaddiisa ugu baxo daaweyn.

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro. Qoyska ayaa sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaaneyso, isla markaana warbixinno caafimaad ay muujinayaan baahida loo qabo daaweyn aan laga heli karin Sudan.

Qoyska ayaa sidoo kale codsi toos ah u diray hoggaamiyaha militariga Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, iyagoo ka dalbaday inuu oggolaado in Bashir dibadda loogu qaado daaweyn. Sidaas darteed, waxaa weli jira farqi u dhexeeya sheegashada qareenka ee ah in oggolaansho hordhac ah la bixiyay iyo hadalka qoyska ee ah in aan loo gudbin wax go’aan rasmi ah.

Bashir ayaa xilka laga tuuray bishii April 2019 kadib kacdoon dadweyne oo socday bilo. Wuxuu Sudan xukumayay ku dhawaad 30 sano, kadib markii uu talada kula wareegay afgambi militari 1989.

Tan iyo markii dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) uu qarxay bishii April 2023, Bashir wuxuu ku jiray xabsi ama xarumo caafimaad oo ay ciidamada maamulaan. Dacwad isaga iyo xubno kale oo ka tirsanaa dowladdiisa loogu hayay doorkii afgambigii 1989 ayaa hakad gashay kadib markii dagaalku qarxay.

Bishii September 2024, maamulka militariga ayaa Bashir iyo qaar ka mid ah saraakiishii hore ee xukuumaddiisa, oo ay ku jireen madaxweyne-ku-xigeenkii hore Bakri Hassan Saleh iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Abdel Rahim Mohamed Hussein, u wareejiyay isbitaal ku yaalla magaalada Merowe kadib markii xaaladdooda caafimaad ay liidatay.

Saleh iyo sarkaal kale oo hore, Yousif Abdel Fattah, ayaa bishii April 2025 loo sii daayay sababo caafimaad awgood.

Bashir ayaa markii dambe dib loogu soo celiyay agagaarka Khartoum, waxaana hadda lagu daweynayaa isagoo weli ku jira gacanta ciidamada, isbitaalka gaarka ah ee Aliaa Specialist Hospital ee magaalada Omdurman, sida uu sheegay qareenkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM