ONLF oo qorshe cusub ka fulinaysa Jigjiga iyo mas'uul ka hadlay

Image

JIGJIGA - Kadib markii hogaamiyaha ONLF iyo mas'uuliyiin la socotay ay shalay oo Sabti ahayd ka degeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Axad ah u ambabaxaan xarunta DDSI ee Jigjiga.

Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Hirmooge Cadaani, ayaa shaaca ka qaaday in wafdiga ay wehli doonan mas'uuliyiin heer Federaal iyo dowlad goboleed, kuwaasi oo soo dhawayntooda loo xil-saarey.

Hirmooge Cadaani ayaa daboolka ka qaaday in wafdiga ONLF ay ka badan yihiin ku dhowaad 60 ruux, kuwaasi oo uu xusay inay isugu jiraan dad ka kala yimid dibada iyo gudaha, iyo taageerayaasha Jabhadda.

“Xili hore [oo Axada ah] ayay ukici tami doonan Jigjiga…Garoonka kubadda cagta [magaalada] oo loo diyaariyay soo dhawayntooda ayayna isugu tegi doonan,” ayuu Hirgmooge usheegay warbaahinta.

Dhanka kale, Afhayeenka ONLF ayaa shaaciyay inay socdaan qorshooyin balaaran ah, kuwaasi oo la fulin doonan mustaqbalka dhow iyo midka fog, isaga oo sharaxaad guud ka bixiyay arrimahaasi.

Xafiisyo kala duwan oo ay Jabhaddu leedahay ayuu tilmaamay in laga furi doono magaalooyinka waawayn ee dowlad degaanka, inkasta oo uusan bidhaamin qaabka ay ushaqayn doonan.

“Qorshayaal waawayn oo horumarineed ayaa jiri doona, kuwaasi oo ay ku jiraan shirar lagu mideynayo xoogaga siyaasiga Soomaaliyeed, iyo xafiisyo laga furayo degaanka,” ayuu hadalkiisa daba dhigay Afhayeenka Jabhada ONLF, Hirgmooge Cadaani.

ONLF oo heshiis la gashay dowlada federaalka Itoobiya bishii Agoosto ayaa nuqul kamid ah waxaa ku qoran inay ka sameyn karto Jabhadda dhaqdhaqaaq siyaasadeed guud ahaan ismaamulka Soomaali Galbeed.

Dadka siyaasada indha-indhayeeya ayaa ku macneeyay qodobkani inuu yahay mid Jabhadda loogu bedalayo Xisbi siyaasadeed oo la baratama midka haatan haya talada degaanka muddo ku siman tobanaan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM