ONLF oo shaacisay mowqifkeeda dib-u-dhigista doorashada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – ONLF, oo kamid xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gobolka Soomaalida Itoobiya, ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan dib-u-dhaca ku yimid doorashooyinka baarlamaanka dalkaas.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee jabhada ayaa daboolka looga qaadey in ay "taageerayaan" go'aanka dib-u-dhigista.

War-saxaafadeedka, oo luuqada English-ka ku qornaa, ayaa intaas ku daray "in badbaadinta nolosha dadka ay ka muhiimsan tahay qabashada xafiisyada siyaasada".

Guddiga doorashooyinka waddanka Itoobiya ayaa todobaadkan shaaciyey in baajinta doorashooyinka lagu balansanaa bisha August ay u sababeeyeen faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona.

Itoobiya ayaa waxay xaqiijisay ku dhowaad 30 kiis oo Covid-19. Saddex qof waxay kasoo kabteen xanuunka markii ay qaadeen. Ma jiro qof u dhintay, sidoo kale, waxaa xaaladiisu culus tahay hal qof.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyey in la xiro goobaha waxbarashada, lana joojiyo kulamada dadweynaha. Intaas waxaa wehlisa in uu amray la xiro guud ahaan xuduudaha Itoobiya.

Doorashooyinka baarlamaaniga ah ee Itoobiya ayaa la rajeynayaa in ay muuqaal-guud ka bixin doonan taageerada uu haysto Abiy, kaasoo xisbigiisa Barwaaqa Sooranka uu loolan xoogan kala kulmay mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM