Qaabka ay Kenya "uga shaqeyneyso" aqoonsi ay hesho Somaliland

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa waxay xusul-duub ugu jirtaa in ay ku lug-yeelato door muhiim ahna ka cayaarto ololaha ay Somaliland ugu jirto in ay hesho aqoonsi caalami ah, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Maamulka Hargeysa oo 1991-kii ku dhawaaqay gooni u goosad ayaanan wali helin aqoonsi, waxaana Beesha Caalamka wali u ictiraafsan tahay in uu yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Illo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyey in xisbiga mucaaradka Kenya uu baarlamaanka dalkaas u gudbinayo hindise sharciyeed lagu riixayo qorshaha aqoonsiga loogu raadinayo maamulka Hargeysa ee Muuse Biixi.

Xogta ayaa waxay intaas ku dareysa in xisbiga mucaaradka ODM oo kaashanaya xisbul-xaakimka talada haya ee Jubilee ay meelmarinta xeerarkaas u cuskan doonan "sabab la xiriirta xoojinta xasiloonida Somaali-weyn".

Sikastaba, ma cadda qaabka geedi u socodkaas ay suurtagal u tahay in uu hirgalo, balse qaban-qaabiyeyaasha waxay ku adkeysteen "waqti dhow".

Mas'uul ka tirsan Guddiga Dhexe ee Maamulka xisbiga oo u dusiyey Garowe Online in hiigsigaan ay qorsheeyeen in ay fuliyaan kahor dhamaadka 2022 ayaa ka xusay in ay Kenya adeegsaneyso doorkeeda Golaha Ammaanka.

"Kani ma aha mashruuc gaar u ah ODM, waa mid khuseeya dhamaan annaga. Somaliland oo xasiloon waxay Kenya siineysaa awood ay kaga hortagto khataraha amniga. Xusuusnow, sanadka dambe waxaan ciidamadeena kala soo baxeynaa Soomaaliya, in aan saaxiib la noqono Itoobiya, Somaliland iyo xasiloonida Jubbaland, waa danteena guud," ayuu hoosta ka xariiqay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay ka dageen wafuud ka socotay Kenya oo uu hogaaminayey Junet Nur Mohamed, xubin baarlamaanka dalkaas ku metela xisbigan mucaaradka ah.

Wafdigaas oo kulan saddex-saacadood qaatay la yeeshay madaxweynaha maamulka, Muuse Biixi Cabdi, ayay xogta muujineysaa in la isla soo qaadey arrimo ay kamid tahay qorshahaan iyo mawduucyo kale oo gobolka ah.

Dowladda Federaalka ah ee uu hogaamiyo Farmaajo oo xil-heynta gabaabsi ay ka tahay isla markaana uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn ayaa horey u sheegtay in Kenya ay kursiga UN-ka u adeegsaneyso "dhibaateynta Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM