Qalbi dhagax oo shaaciyey xil loo balanqaadey mudadii uu xirnaa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax ayaa xaqiijiyey in xil loosoo bandhigay mudadii uu xabsiga ugu jiray dowladda Itoobiya kadib markii ay ku wareejisay Villa Soomaaliya.

Qalbi dhagax oo la hadlay SSTV ayaa tilmaamay in jagadaas uu u soo bandhigay Cabdi Maxamuud [Cabdi Illay], madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida.

Xilkaas ayaa ahaa in madax looga dhigay Hay'adda Qaxootiga Itoobiya gaar ahaan qeybteeda magaaladda Doolow.

Cabdi Illay oo ay ku kulmeen goob uusan carabaabin ayaa sidoo kale miiska u saarey in abaalmarin ah guri laga siinayo Jigjiga si lamid ah in magdhow laga bixinayo dadkii laga dilay ehelkiisa.

"Waxay kaloo ii soo jeediyeen in aan qeyb ka noqonayo wada hadalada ONLF iyo Itoobiya ee magaalada Nairbi," ayuu raaciyey.

Balanqaadyadaas waa ay u cuntami waayeen Qalbi dhagax oo ku adkeystay in uusan diyaar u ahayn, wallow cadaadis xoogan lagu saaray, saraakiisha Itoobiya ayaa ka difaacay.

"Waxay garan la'waayeen in aan tobanaan sano taagnaa sayladda dhimashadda," ayuu hoosta ka xariiqay sarkaalkan muhiimka u ah ONLF.

Wuxuu ku daray: "Waxaan ku iri Cabdi Illay 'markaad guri 22-mitir ah iga siiso Jigjiga aaway dalkii Ogaadeeniya ee ay ku noolaayeen 13-milyan oo aan u diriraayey' waxaas raganimo maahan baan ku iri".

Cabdi Illay oo xilkiisa ku waayey isbedelka Itoobiya ayaa haatan xabsi ku jira waana cadaalad suge, isagoo loo hayso tacadiyadii ka dhacay degaanka.

Sikastaba ha ahaatee, Qalbi dhagax oo haatan ah hogaanka garsoorka ee ONLF ayaa maamulkii ugu horeeyay ee Kalinka Shanaad ka noqday taliyaha bileyska gobolka Wardheer, in ka badan shan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM