Qalbi dhagax oo shaaciyey xil loo balanqaadey mudadii uu xirnaa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax ayaa xaqiijiyey in xil loosoo bandhigay mudadii uu xabsiga ugu jiray dowladda Itoobiya kadib markii ay ku wareejisay Villa Soomaaliya.

Qalbi dhagax oo la hadlay SSTV ayaa tilmaamay in jagadaas uu u soo bandhigay Cabdi Maxamuud [Cabdi Illay], madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida.

Xilkaas ayaa ahaa in madax looga dhigay Hay'adda Qaxootiga Itoobiya gaar ahaan qeybteeda magaaladda Doolow.

Cabdi Illay oo ay ku kulmeen goob uusan carabaabin ayaa sidoo kale miiska u saarey in abaalmarin ah guri laga siinayo Jigjiga si lamid ah in magdhow laga bixinayo dadkii laga dilay ehelkiisa.

"Waxay kaloo ii soo jeediyeen in aan qeyb ka noqonayo wada hadalada ONLF iyo Itoobiya ee magaalada Nairbi," ayuu raaciyey.

Balanqaadyadaas waa ay u cuntami waayeen Qalbi dhagax oo ku adkeystay in uusan diyaar u ahayn, wallow cadaadis xoogan lagu saaray, saraakiisha Itoobiya ayaa ka difaacay.

"Waxay garan la'waayeen in aan tobanaan sano taagnaa sayladda dhimashadda," ayuu hoosta ka xariiqay sarkaalkan muhiimka u ah ONLF.

Wuxuu ku daray: "Waxaan ku iri Cabdi Illay 'markaad guri 22-mitir ah iga siiso Jigjiga aaway dalkii Ogaadeeniya ee ay ku noolaayeen 13-milyan oo aan u diriraayey' waxaas raganimo maahan baan ku iri".

Cabdi Illay oo xilkiisa ku waayey isbedelka Itoobiya ayaa haatan xabsi ku jira waana cadaalad suge, isagoo loo hayso tacadiyadii ka dhacay degaanka.

Sikastaba ha ahaatee, Qalbi dhagax oo haatan ah hogaanka garsoorka ee ONLF ayaa maamulkii ugu horeeyay ee Kalinka Shanaad ka noqday taliyaha bileyska gobolka Wardheer, in ka badan shan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM