Qareen ku lug-lahaa dacwad liddi ku ah William Ruto oo isa soo dhiibay

Image

NAIROBI, Kenya – Qareen ayaa Axadii wuxuu isu dhiibay mas'uuliyiinta Dutch si uu Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ugu wajaho eedeymo laalushida markhaatiyaasha kiis ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka waddanka Kenya.

Maxkamadeynta madaxweyne ku xigeenka qarankan dhaca Bariga qaaradda Afrika ee William Ruto ayaa waxay burburtay afar sano kahor.

Garyaqaanka reer Kenya, Paul Gicheru, waxaa waaran caalami ah ku goobeysay ICC laga soo bilaabo 2015-kii, isagoo loo haysto in uu isku dayay in uu laaluusho lix markhaatiyaal si ay uga baaqsadaan in ay dambiga ku caddeeyaan Ruto.

Ruto iyo eedeysanaha kale ee wehliyay, Joshua Sang, ayaa lagu soo oogay dacwad ah abaabulida rabasho kadib doorashadii lagu murmay ee 2007-dii waqtigaas oo la diiwaan-geliyey dhimashadda 1,200, iyo dhaawac tirro dheeri ah.

Garsooreyaasha ayaa 2016-kii xukumiyey in kiiska laga soo jawaabi waayey, wallow ay albaabada u fureen in ay dib u qaadayaan hadii la helo caddeymo cusub, adkeeyayna in markhaatiyaasha lagu sameeyay handadaad.

Afhayeenka Ruto oo diidey in uu ka falceliyo kiiska Gicheru ayaa ku adkeystay in marnaba uusan soo noqon qareenka madaxweyne ku xigeenka.

Wakiilka Gicheru ayaan illaa haatan ka hadlin arrintaan. Isku dayo wakaaladda wararka Reuters sameysay si ay u haleesho ma aysan guuleysan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ayaa lagu qeexay in ay waydiisteen mas'uuliyiinta dalka Dutch in Gicheru ay ku soo wareejiyaan maxkamada isla waqtiga nidaamka xariga la dhameystiro.

Kiis lamid ah kan lagu haysto Ruto ayaa lasoo wariyey in uu  door ka cayaaray 2007-dii ka gedaal markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, lagu eedeeyay kicinta rabashaddo, hasayaashee wuxuu burburay sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM