Qareen "si aan ola kac ahayn" u dilay wiilkiisa oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya - Laamaha amaanka Kenya ayaa su’aallo waydiinaya qareen, Axadii, si aan ola kac ahayn u dilay wiil uu dhalay oo 29-sano jir ah.

Garyaqaan Assa Nyakundi Kibagedi, oo ka howlgala Nairobi, ayaa sheegay in uu isku dayay in uu hubiyo Bastooladiisa markii uu toogtay wiilkiisa Joseph Nyakundi.

Aabaha ayaa durbadiiba wiilkiisa ula cararay Isbitaal si uu u badbaadiyo nolashiisa, balse intii loo waday ayuu geeriyooday.

Mr. Kibagedi ayaa xiliga uu shilkaan dhacayay waxay ay kasoo laabteen isaga iyo cunugiisa Kaniisad, waxana marayeen wadada Mombasa.

"Wiilkeyga kursiga dambe ayuu fadhiyay…aniga oo cabeysanaya ayaan si aan ula kac ahayn u toogtay," ayuu raaciyay.

Booliska ayaa sheegay in Assa, oo sharciyad u haystay bastoolada taasoo ay ugu jirtay 14 xabadood, ay kala wareegaan markii uu shilku dhacay.

"Ninka warbixinta keenay oo ahaa rayid Bastoolad haystay waxaa loo xiray si baaritaan loogu sameeyay," ayuu yiri Booliska.

Meydka dhibanaha ayaa waxaa la geliyay goobta lagu keydiyo si hadii loo baahdo inta uu baaritaanka socdo dib loogu laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM