Qaylo-dhaan kasoo yeertay Muslimiinta ku nool dalka Uganda

Image
Afartii toddobaad ee la soo dhaafay, in ka badan 15 qof oo Muslimiin ah ayaa lagu xiray meelo kala duwan.

KAMPALA, Uganda - Muslimiinta ku nool dalka Uganda oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Isniintii asbuucaan isugu soo baxay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan xarigga sharci darrada ah ee lagula kacayo hoggaamiyayaasha Muslimiinta xilliyada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah masaajidda.

Culimaa’udiin, Xildhibaano, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si wada jir ah isugu soo baxay, si ay u cambaareeyaan xarigaasi oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin.

"Waa takoorid in dowladdu ay mar walba weerarto masaajidda oo ay si xoog ah u xirto sheekhyada iyadoon sharciga loo raacin ayna si qarsoodi ah u xirto iyadoo aan la soo saarin maxkamadaha sharciga," ayuu yiri Asuman Basalirwa, oo ah guddoomiyaha golaha muslimiinta ee baarlamaanka isla markaana ah xildhibaan ka tirsan degmada Bugiri.

Sidoo kale Xildhibaanada Muslimiinta ee Baarlamaanka ka tirsan ayaa ka dhiidhiyay xaqiraada ay Hay’adaha ammaanka ku hayaan Masaajida, kuwaasi oo kabaha la soo gala goobaha lagu cibaadeysto, marka ay dadka soo qab qabtaan.

Dadka la xiray dhawaan waxaa ka mid ah ku xigeenka hogaamiyaha dariiqada Muslimiinta Tabligh ee dalka Uganda Sheekh Yahaya Mwanje iyo in ka badan 10 kale oo muslimiin ah oo cibaadeysanayay.

Xildhibaanada Muslimka ah ayaa dalbanaya in Sheekh Yahaya si shuruud la’aan ah lagu sii daayo, hay’adaha ammaankana ay u ogolaadaan dadka ay ka shakiyaan qoysaskooda iyo qareenadooda ama in la horgeeyo maxkamadaha sharciga.

Sidoo kale waxa ay dalbanayaan in Muslimiinta kale ee ku xiran Xabsiyada la horkeeno Maxkamadaha sharciga ama Dowladda lana dacweeyo Hay’adaha ammaanka ee falalkaasi geystay, isla markaana dalka oo dhan laga sameeyo baaritaano.

Afartii toddobaad ee la soo dhaafay, in ka badan 15 qof oo Muslimiin ah ayaa lagu xiray meelo kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo ay xireen hay’adaha ammaanka. Afhayeenka booliiska Fred Enanga ayaa sheegay in dadka la xiray qaarkood ay qabaan kiisas ay kaga jawaabaan, dhawaana la geyn doono maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM