Qof kale oo ku dul dhintay Kenya Airways

Image

NAIROBI- Shirkadda diyaaradaha Kenya ayaa markale sheegaysa in uu dhintay qof rakaab ah oo diyaaradda saarnaa, waxayna arrintani noqonaysaa mid soo noqnoqotay.

Shirkadda ayaa sheegtay in qof rakaab ah ay neefta ku ceshoontay isaga oo duulimaad u kala gooshayay Nairobi iyo Mombasa, markii la yimid garoonka Jomo Kenyatta na ay dhaaaatiirta xaqiijiyeen in uu mayd yahay.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii labo qof oo rakaab ah xiliyo kala duwan ay sidan oo kale ugu dul dhinteen diyaaraddan oo isaga gooshaysay New York iyo Nairobi.

Lama oga sababta keeneysa arrintani la yaabka leh, balse durba waxa ay abuurtay welwel weyn oo ku saabsan badqabka diyaaradan.

Weli ma jiro baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyay arrinkan, iyo cid sharaxaad dheeri ah ka bixisay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM