Qof kale oo maydkiisa laga dhex heley duulimaad Kenya Airways

Image
Isla duulimaadkan tirsigiisa yahay KQ002 ayaa labo todobaad sidan oo kale qof looga heley maydkiisa.

NAIROBI, Kenya - Qof rakaab ah ayaa maydkiisa laga dhex heley duulimaad ay samaysnaysay diyaaradda Kenya Airways oo u kala gooshaysay Nairobi iyo New York. 

War ay soo saartay shirkadda ayay ku sheegtay in qof rakaab ah laga waayay wax dhaqdhaqaaq ah, markii loo kuurgalayna la ogaaday in uu mayd yahay, iyada oo shirkadda ay ka tacsiyaysay. 

Isla duulimaadkan tirsigiisa yahay KQ002 ayaa labo todobaad sidan oo kale qof looga heley maydkiisa xilli ay hawada ku jirtay doyaaradda, kana soo duushay New York illaa Nairobi. 

Lama ogga waxa sababay dhacdadan la yaabka leh , balse dad badan ayay welwel ku beertay sida qof caafimaad qabay uu ugu dul dhiman karo diyaarad dusheed, oo keliya hal qad ka shaqaysa si isku xigxigta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM