Qoondada gobolada Soomaalida Itoobiya ee shidaalka oo la shaaciyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Aqalka Sare ee dalka Itoobiya ayaa lagu waramayaa in uu meel-mariyey xeer qabyo ah kaasoo qeexaya qoondada gobolka Soomaalida uu ku yeelanayo kheyraadka halkaasi laga soo saaro.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa waxay sheegeysaa in sharcigaasi oo ay soo daarisay Wasaaradda Bartoolka xukuumada Federaalka ah uu xeerinayo in gobolada shidaalka laga soo saaro ay yeelan doonan qoondo dhan 50%.

Sidda ku cad hindisahaasi, dowlada federaalka ayaa waxay iyadana yeelaneysa 25% oo uu qeyb ku leeyahay gobolka kheyraadka laga helay halka qeybta kale ee soo hartay oo ah 25% loo qeybinayo gobolada kale.

Golaha Federaalka Itoobiya ayaa waxaa gobolka Soomaalida ku metala Mustafa Maxamed Cumar, madaxweynaha degaanka, Aadan Faarax, ku xigeenkiisa, Cabdi Maxamed, afhayeenka baarlamaanka, Mubashar Dubad Raage, wasiirka Maaliyadda, Rashiid Xaaji, gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Itoobiya iyo Eng Maxamed Shaale, madaxa xarunta dhexe ee xisbiga degaanka ka arimiya.

Sanadkii hore ayay Itoobiya bilowday in degaanka Soomaalida ay kasoo saarto shidaal, hasayeeshee, hanaanka qaybsiga ayaa waxaa ka dhashay su'aalo fara badan oo maamulka dhaliilo u horseeday.

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ayaa bishii Maajo 2019 waxay daboolka ka qaadey in gobolka Soomaalida laga helay Gaaski ugu badnaa kaasoo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay Ingiriiska, New Age [African Global Energy Ltd], taasoo heshiis kula jirtay xukuumadda Addis Ababa, ayaa soo saareysa kheyraadkan dabiiciga ah.

Kheyraadkan oo la rajenayo in Itoobiya ay sanadkii ka hesho dhaqaalo ka badan afar bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa waxaa laga helay degaanka Hala-quraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM