Qoysaska dhibanayaashii Ethiopian Airlines oo mudaaharaaday

Image

ADDSI ABABA, Ethiopia - Qoysaska dhibanayaasha shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines kaasi oo dhacay Axadii ayaa dibadbax ka dhigay Huteel ku yaalla caasimada Itoobiya, maanta oo Khamiis ah.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya in aan loo kala caddeynin hidasidaha [DNA-ga], oo ay sameeyeen masuuliyiinta.

Qaar kamid ah waxay sheegayaan in aysan helin wax jawaab ah kadib markii ay la kulmeen madaxda shirkada diyaaradeed ee Ethiopian Airlines.

"Waxay noosoo waceen si ay noo siiyaan warbixin iyo sababta dhalisay shilka balse ma aanan helin wax macluumaad ah," ayuu yiri mid kamid ah dhibanayaasha, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Talaadadii, afhayeenka Ethiopian Airlines, Asrat Begashaw, ayaa sheegay in sababta keentay in ay dib u dhacdo xogsiinta dad kale ay tahay iyada oo uu socdo nidaamka aqoonsiga.

"Waxaa loo baahan yahay xaqiijin dhab ah…marka in aan kala caddeyno waxay qaadan kartaa bilooyin," ayuu raaciyay.

Xeel-dheere la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in sababta nidaamka adkeysay ay tahay rakaabka oo isaga kala yimid 35 wadan, islamarkaana ay Itoobiya awood u lahayn inay si fudud u aqoonsato.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, 157 qof oo la socotay diyaarada ayaa dhintay musiibadaasi kuwaasoo 6 kamid ah ay Soomaali ahaayeen.

Diyaarada soo dhacday oo ay far-sameysay shirkada Boeing oo Mareykanka laga leeyahay ayaa waxaa hoos u dhacay maqaamka shirkadaasi markii wadamo kale ay hawadooda ka mamnuuceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM