Qoyska Kenyan lagu dilay Boosaaso oo eedeyn u jeediyay dowladooda

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Reerka nin u dhashay dalka Kenya oo lagu dilay magaaladda Boosaaso, xarunta ganacsiga dowladda Puntland, ayaa ka codsaday dowladooda in ay ka caawiso helitaanka meydka wiilkooda.

Marxuumka oo lagu magacaabayey Cosmas Owuor Ogweyo kaasi oo la shaqeynayey doon kalluumeysi ayaa waxaa todobaadkii hore ku dilay xarunta gobolka Bari askari ilaaliye u ahaa kadib is-maandhaaf.

Aabaha dhalay shaqsigan oo 41-sano jirka ahaa ayaa wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Nairobi ay ka aamustay oo aysan kusoo war-gelin dhimashada wiilkooda, isaga oo codsaday in ay helaan cadaalad.

"Waxaa noola sheegay in uu daawac soo gaarey markii saaxiibkiisa uu isaga si gaar ah u beegsaday, kadibna uu Isbitaalka ku dhintay," ayuu yiri Pius Ogweyo, oo u waramay wargeyska Standard.

Warbixinta ku aadan geeriga Cosmas ayaa waxaa waalidka u gudbiyey walaalkiisa ka yar oo ay hal goob kawada shaqeynayeen.

"Annaga oo iskeena u goosanay baa raadinay macluumaadka geerida wiilkeena, dowladda wali war kama hayno," ayuu Aabaha ku daray.

Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa waxay xaqiijisay in ay haysto akhbaarta khaarijinta, wallow aysan kala caddeynin talaabadda ay qaadeyso.

"Waxaan ka codsaneynaa dowladda in ay naga caawiso in aan helno meydka wiilkeena si aanu u aasano," ayuu hadalkiisa ku daray aabaha oo tiiraayo ay ka muuqatay.

Taliska Booliska gobolka Bari ayaa wuxuu shaaciyey in ay xabsi u taxaabeen gacan ku dhiiglaha, kaasi oo haatan wajahaya cadaaladda.

"Waan la xiriirinay hay’addii uu la shaqeynayey, balse waa ay nagu jareen telefoonka, iyagoo diiday in ay nala hadlaan," ayay tiri Juliana Kimori carmalada marxuum Owuor.

Sida gobolada qaar ee dalka Soomaaliya, degaanadda Puntland, ayaa safka hore uga jiray goboladda waddanka ay u soo shaqo raad-sadan ajaaniibta gaar ahaan kuwa kasoo jeeda wadamada deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM