Ra'iisul Wasaare hore oo lasoo xiray habeenka xafladiisa dhalashada

Image
Alain-Guillaume Bunyoni ayaa waxa uu xilka hayey bartamihii sanadkii 2020 ilaa Sebtembar xagaagii 2022.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Burundi ayaa xiray ra'iisul wasaarihii hore dalkaas, Alain-Guillaume Bunyoni, sidda ay sheegeen guddiga xuquuqul insaanka ee dalkaas iyo ilo amni oo sare.

Qabashadda Bunyoni oo ay si weyn u hadal-hayso saxaafadda waddankaas ayaa waxay kusoo hagaagtey toddobo bilood kadib markii xilka looga qaaday beegsi heer sare ah oo siyaasadeed.

Bunyoni, oo la xiray ka hor xafladiisa dhalashadiisa 5-1aad, ayaa wuxuu ahaa ra'iisul wasaare mudadii u dhaxeysay bartamihii sanadkii 2020 ilaa Sebtembar xagaagii 2022.

Hase ahaatee, waxaa xilka laga qaaday isku-shaandheyn weyn ka dib markii madaxweyne Evariste Ndayishimiye uu xafiiska la wareegay sanadka markii uu ahaa 2020.

Wasiirka arrimaha gudaha Burundi, Martin Niteretse oo si weyn loola xiriiriyey kiiskan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii sheegay in mas’uuliyiinta ay raadinayaan Bunyoni.

"Runtii, Janaraal Bunyoni waxaa si degdeg ah u xiray hay'adda sirdoonka qaranka," ayay saraakiil dhanka amniga ah u sheegeen wakaaladda wararka AFP iyagoo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Ilaa 300,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed muddo 13-sano ah ka soconaya dalkan, halka ku dhawaad ​​400,000 oo qof ay u qaxeen dalka dibadiisa sababo ku aadan jirdil, dil iyo xarig.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM