Ra'iisul Wasaare si qaldan Ruto ugu yeeray "madaxweynaha Senegal"

Image
Hogaamiyaha Kenya ayaa dhacdadan kadib wuxuu hakiyey khubadii mas'uulkan si uu u saxo.

NAIROBI, Kenya - Ra’iisul wasaaraha Spain oo booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa si qalad ah wuxuu ugu yeeray hogaamiyaha martida loo yahay, William Ruto, inuu yahay madaxweynaha dalka Senegal.

Pedro Sanchez oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisa ay Kenya kala shaqeyn doonto dhinacyo badan si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

"Spain waa xulafo la isku haleyn karo dhinacyo badan si ana ugala shaqeyno Senegal la tacaalida caqabadaha caadiga ah ee bulshooyinkeena ay wajahayaan," ayuu Sanchez yiri.

Sanchez ayaa intaa ku daray: "Aad baan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo madaxdii ugu horreysay ee caalami ah oo ku soo booqda adigoo ah madaxweynaha Senegal, waxaanan runtii rajeynayaa inaan adiga iyo wasiirradaaga la shaqeeyo."

Isaga oo ka qoslaya hafashadda uu ogaal la'aanta sameeyay Sanchez, madaxweyne William Ruto ayaa si kooban u hakiyay khudbadii Sanchez si uu u saxo.

Sanchez ayaa raali gelin siiyay Ruto ka hor inta uusan sii wadin: “Waxaan rajeynayaa inaan adiga iyo wasiirada la shaqeeyo. Waxaan Kenya keenaya wafdi ka kooban shirkado Isbaanish ah oo la aasaasay kuwaas oo rajeynaya ballaarinta."

Ruto ayaa u mahadceliyey Sanchez sida uu ugu casuumay inuu soo booqdo Spain, isagoo intaa ku daray: "Anagoo ah Iridda laga galo qaaradda, waxaan ka wada shaqeyn doonnaa si Spain ay u hesho marinka Afrika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM