Ra'iisul Wasaare si qaldan Ruto ugu yeeray "madaxweynaha Senegal"

Image
Hogaamiyaha Kenya ayaa dhacdadan kadib wuxuu hakiyey khubadii mas'uulkan si uu u saxo.

NAIROBI, Kenya - Ra’iisul wasaaraha Spain oo booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa si qalad ah wuxuu ugu yeeray hogaamiyaha martida loo yahay, William Ruto, inuu yahay madaxweynaha dalka Senegal.

Pedro Sanchez oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisa ay Kenya kala shaqeyn doonto dhinacyo badan si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

"Spain waa xulafo la isku haleyn karo dhinacyo badan si ana ugala shaqeyno Senegal la tacaalida caqabadaha caadiga ah ee bulshooyinkeena ay wajahayaan," ayuu Sanchez yiri.

Sanchez ayaa intaa ku daray: "Aad baan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo madaxdii ugu horreysay ee caalami ah oo ku soo booqda adigoo ah madaxweynaha Senegal, waxaanan runtii rajeynayaa inaan adiga iyo wasiirradaaga la shaqeeyo."

Isaga oo ka qoslaya hafashadda uu ogaal la'aanta sameeyay Sanchez, madaxweyne William Ruto ayaa si kooban u hakiyay khudbadii Sanchez si uu u saxo.

Sanchez ayaa raali gelin siiyay Ruto ka hor inta uusan sii wadin: “Waxaan rajeynayaa inaan adiga iyo wasiirada la shaqeeyo. Waxaan Kenya keenaya wafdi ka kooban shirkado Isbaanish ah oo la aasaasay kuwaas oo rajeynaya ballaarinta."

Ruto ayaa u mahadceliyey Sanchez sida uu ugu casuumay inuu soo booqdo Spain, isagoo intaa ku daray: "Anagoo ah Iridda laga galo qaaradda, waxaan ka wada shaqeyn doonnaa si Spain ay u hesho marinka Afrika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM