Ra'iisul Wasaarihii hore ee Tunisia oo xabsi loo taxaabay

Image
Qareenadiisa iyo xisbigiisa ayaa si weyn uga gilgishay go'aanka xeer-beegtadda.

TUNIS, Tunisa - Maxkamad ku taal Tunisia ayaa Isniintii shalay ahyad xabsiga dhigtay Cali Laaraydh, ra'iisul wasaarihii hore iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Ennahda, sidda ay sheegeen qareenadiisa.

"Xaakimka baarista ayaa soo saaray go'aan xabsi oo ka dhan ah Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Laaraydh waxa loo yaqaan 'faylka jihaadka masaafurinta'," ayuu garyaqaan Ines Harrath.

Mokthat Jmayi, oo ah qareen kale oo u doodaya Laaraydh, ayaa u sheegay Reuters in go'aanka uu yahay mid xaqiiqo ah isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Laaraydh ayaa hore loogu xukumay 15 sano oo xadhig ah intii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Tunisia Zine Abedine Ben Ali sababo ku aadan in uu xubin firfircoon ka ahaa Ennahda, oo ah xisbi Islaami ah oo isku tilmaama inuu yahay Muslim dimuqraadi ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray xisbiga Ennahda oo ah xisbiga ugu wayn Tunisia ayaa lagu beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay Laaraydh, waxayna ku tilmaantay “isku day quus ah oo badheedh ah oo ay sameeyeen maamulka afgambiga iyo madaxweynahooda Kais Saied, si ay u qariyaan guuldaradii foosha xumayd ee doorashadii sharci dejinta”.

Saciid ayaa xukunka kula wareegay sanadkii hore, iyadoo mucaaradku ay ku tilmaameen afgambi, taasoo keentay in taageerayaasha dimuqraadiyadda dalka ay haystaan ​​fursado yar.

Bishii Luulyo 2021, wuxuu shaqada ka ceyriyay ra'iisul wasaaraha, wuxuuna kala diray baarlamaanka. Horaantii sanadkan, waxa uu dabada ka riixay afti dastuuri ah oo uu ku muujinayo awooda xukunkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM