Rabshadaha Itoobiya: In ka badan 80 qof oo lagu dilay degaanka Oromada

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu dilay gobolka Oromada ee Itoobiya kadib rabshadaha ka dhashay dilka fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessaa, sidda ay ku warantay Reuters.

Getachew Balcha, afhayeenka taliska bileyska ismaamulkaas, ayaa xaqiijiyey in dadka la khaarijiyey ay isugu jiraan shacab iyo askar.

Sidda ku xusan warbixinta, dadkaan badankooda waxay ku geeriyoodeen qaabab kala duwan oo ah; rasaas nool-nool oo lagu furay, garaacis iyo Toorey. Qaarkood waxay dhinteen iyagoo Isbitaal loosii waddo.

Isu soo baxyadda oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada Itoobiya ayaa watay rabshado, waxaana banaanbaxayaashu ay burburiyeen dhismeyaal ay ku jiraan xarumo dowladeed iyo talooyin taariikhi ah.

Hay'adda Amnesty International oo warbixin kasoo saartay shirqoolka lagu toogtay Hundeessaa ayaa ku baaqdey baaritaano waafi ah.

Endeshaw Tasew, taliyaha booliska federaalka Itoobiya, ayaa sheegay in ay xireen ku dhowaad 40 ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo kala ah; Jawar Maxamed iyo Bekele Gerba oo shalay la qabtay.

Taliyaha oo xusay in ay ku dedaalayaan sidii xaalada ay caadi ugu soo celin lahaayeen ayaa ka dhawaajiyey in shalay ay qaraxyo ka dhaceen caasimada Addis Ababa kuna dhinteen "dad aan wax galabsan".

Haacaaluu Hundeessaa oo la beegsaday habeenimadii Isniinta ee todobaadkan ayaa aalaaba wuxuu ku luuqeyn jiray heesaha ku saabsan siddii xuquuqdeeda u heli lahayd qowmiyadda uu kasoo jeeda ee Oromadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM