Rajadii wadahadalka colaadda Itoobiya oo "burburtey"

Image
Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku eedeynaya dhacdooyinka dilaya filashadii shacabka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa shalay oo Talaado ahayd lagu garaacay weerar dhinaca cirka ah, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka iyo fallaagada Tigreega.

Duqeymaha lagu soo waramayo in lagu hayo magaalada Mekele ayaa timid maalmo un kadib markii kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay sheegtay in ay diyaar u tahay xabad joojin iyo wadahadal ay la gasho xukuumada ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kadib ku dhawaad ​​laba sano oo dagaal ah.

“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Abiy Axmed ayaa beegsaday xarunta jaamacadda Mekelle University ee Adi Haki,” ayuu afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Afhayeen kale oo u hadlay kooxda TPLF oo lagu magacaabo Kindeya Gebrehiwot ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku sheegay in jaamacada Mekele lagu duqeeyay ay sababtay dhaawac iyo burbur hantiyeed oo wali la qiimaynayo.

"Tani waxay dhacaysaa ka dib markii dawladda Tigray ay samaysay koox wada-xaajood ah, waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed," ayuu yidhi.

Gobolka Tigray ayaa waxaa dhowr jeer lagu garaacay duqeymo dhanka cirka ah tan iyo markii uu dib u soo cusboonaaday dabayaaqadii bishii Ogosto ee sanadkan dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda & xulafadooda iyo fallaagada TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

Ku soo laabashada dagaalku waxa ay burburisay xabbad joojintii March ee hakisay dagaalkii ugu darnaa ee dhiig ku daadatay, waxayna meesha ka saartay rajadii laga qabay in si nabad ah lagu xalliyo dagaal bilowday ku dhawaad ​​laba sano ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM