Rajadii wadahadalka colaadda Itoobiya oo "burburtey"

Image
Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku eedeynaya dhacdooyinka dilaya filashadii shacabka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa shalay oo Talaado ahayd lagu garaacay weerar dhinaca cirka ah, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka iyo fallaagada Tigreega.

Duqeymaha lagu soo waramayo in lagu hayo magaalada Mekele ayaa timid maalmo un kadib markii kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay sheegtay in ay diyaar u tahay xabad joojin iyo wadahadal ay la gasho xukuumada ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kadib ku dhawaad ​​laba sano oo dagaal ah.

“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Abiy Axmed ayaa beegsaday xarunta jaamacadda Mekelle University ee Adi Haki,” ayuu afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Afhayeen kale oo u hadlay kooxda TPLF oo lagu magacaabo Kindeya Gebrehiwot ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku sheegay in jaamacada Mekele lagu duqeeyay ay sababtay dhaawac iyo burbur hantiyeed oo wali la qiimaynayo.

"Tani waxay dhacaysaa ka dib markii dawladda Tigray ay samaysay koox wada-xaajood ah, waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed," ayuu yidhi.

Gobolka Tigray ayaa waxaa dhowr jeer lagu garaacay duqeymo dhanka cirka ah tan iyo markii uu dib u soo cusboonaaday dabayaaqadii bishii Ogosto ee sanadkan dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda & xulafadooda iyo fallaagada TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

Ku soo laabashada dagaalku waxa ay burburisay xabbad joojintii March ee hakisay dagaalkii ugu darnaa ee dhiig ku daadatay, waxayna meesha ka saartay rajadii laga qabay in si nabad ah lagu xalliyo dagaal bilowday ku dhawaad ​​laba sano ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM