Ruto oo dhisay xukuumad uu Aadan Barre ka noqdey wasiirka difaaca

Image
Madaxweynaha Kenya ayaa Talaadada maanta ah wuxuu soo magacaabay golaha wasiiro cusub

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Talaadada maanta ah wuxuu soo bandhigay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 21 wasiiro kuwaasi oo la wareegi doona Wasaaradaha kala duwan.

Ruto ayaa sidoo kale u magacaabay afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka Justin Muturi in uu noqdo xeer ilaaliyaha guud halka Mercy Wanjau uu u magacaabay xoghayaha golaha wasiirada.

Prof Kithure Kindiki ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha halka wasaaradda maaliyadda uu madax ka noqon doono guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Kenya, Prof Njuguna Ndung'u.

Madaxa Dawladda Kenya ayaa sidoo kale u doortay Aadan Ducaale in uu noqdo wasiirka Difaaca, halka Aisha Jumwa loo magacaabay Adeegga Dadweynaha; Machakos Dr Alfred Mutua ayaa loo magacaabay madaxa wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba-joogta.

Dr Ruto ayaa sidoo kale wuxuu u magacaabay Alice Wahome wasiirka Biyaha iyo Nadaafadda, Moses Kuria (Ganacsiga) halka Wasaaradda Bulshada Bariga Afrika ay madax ka noqon doonto Rebecca Miano.

Magacaabidan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo Ruto uu maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiiradda halkaasoo ay soo xaadireen inta badan wasiiradda kamid ahaa xukuumadda Kenyatta.

Ducaale ayaa kamid ahaa saaxiibadii aadka ugu dhowaa Uhuru Kenyatta hase ahaatee waxay kala tageen markii uu soo dhawaadey ololaha doorashada waxaana laga qaadey xilkii Hogaamiyaha Aqlabiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM